Maamulka degmada Cadaado oo xarigga ka jaray Buundada magaaladaasi

0

Buundadan oo ku taala bartamaha magaalada Cadaado oo burbursaned mudo ayaa waxaa dayactir ku sameeyay shirkada isgaarsiinta hormuud oo kashaneysa gudiga isxilqaan ee magaalada cadaado iyo maamulka degmada.

dhismahii hore ee buundadaan ayaa ahaa mid cariiri kadhigay halka ey laamiga kaga taalo burbur xoogana uu kamuuqdo halka ey gawaaridu maraan balse dhismahaan dambe ayaa balaarin loogu sameeyay iyadoo lagu daray 5-mitir oo labada dhinac ah, taas oo ka dhigtay in laamigu uu noqday mid ay isticmaali kraan gawaari kabadan kuwii horey u isticmaali jiray.

Maxamuud Xasan Cabdille iyo Nabadoon Axmed Cismaan Guudcad, oo ka mid ah guddiga isu xilqaamay arrinkan ayaa kahadlay muhiimda ay leedahay inla dhiso Buundadaan oo bubursaneed sanado badan una mahad celiyay shirkada hormuud.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdulaahi Cabdiraxmaan Xuseen “Tootole” ayaa ku amaanay waxqabadka gudiga isu  xilqaamay dhismaha Buundada Cadaado waxuuna ugu baaqay Bulshada reer Cadaado inay ilaaliyaan Nadaafada Buundad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here