Maamulka Hobyo oo gacanta ku dhigay ajaaniib muddo u xirnaa Al-Shabaab

0

HOBYO(SMN) – Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad 20 Ajaaniib ah oo muddo sanado ah u xirnaa Al-Shabaab, kuwaas oo lagu qabtay duleedka degmada Hobyo.

Ajaaniibtaan oo kalluumeysato ahaa ayaa siddeed sano kahor waxaa afduub u geystay koox burcadbadeed ah, waxaana kadib kala sii wareegtay Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ajaaniibtaan ay kasoo kala jeedaan dalalka ka ah:- Pakistan, Iran iyo Bangladesh.

Guddoomiyaha degmada Hobyo, Cabdullaahi Cali Axmed  oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in haatan raggaasi lagu hayo saldhigga, ayna hayaan baaritaano dheeraad ah.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here