Maamulka gobolka Banaadir oo shir ka yeeshay xaaladda Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cisman Maxamed ayaa maanta Shir Gudoomiyey Shirka Guddoomiye Kuxigeenada Arr.Bulshada ee 17ka Degmo iyo 3da Degaan ee G.Banaadir kaa oo diirada lagu saarayay Arrimaha dardargelinta Nadaafada Caasimadda.

Shirkaan waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Arr.Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banaadir Mudane Cabdullahi Adam Muuse, Agaasimaha Guud ee Nadaafada iyo Garyaqaanka Dowladda Hoose Xamar.

Shirka intiisa badan waxa uu daba socday wixii ka qabsoomay shirkaan midkii ka horeeyay ee dhacay 14kii Bishii lasoo dhaafay.

Gudoomiye Kuxigeenka Arr.Bulshada iyo Wacyigelinta G.Banadir Mudane Cabdicasiis Cismaan ayaa Gudoomiyeyaasha ka dhageystay Warbixinta Nadaafada Degmada iyo sida ay ugu diyaar garoobeen Ololaha Nadaafada ee Khamiis laha ah ee Bil walba dhamaadkeedi in laqabto uu horey ugu dhawaaqay Gudoomiyaha G.Banadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yusuf Xuseen Jimcale Madaale.

Ugu dambeen Shirka uu soo xiray Gudoomiye Cabdi Casiis waxa uu kula dardaarmay Guddoomiyeyaasha inay dardargeliyaan Nadaafada Caasimadda iyo la shaqeynta shirkadaha IFI oo Arrimaha Nadaafada ka shaqeeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here