Maamulka gobolka Hiiraan oo shaaciyey in dad loo soo qab-qabtay dilkii Faarax Diir

0

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cabdi Muumin Cilmi ayaa sheegay in laamaha ammaanka ee Beledweyne ay dad usoo qab-qabteen dilkii xalay loo geystay Allaha u naxariistee guddoomiyihii ururka dhalinyarada ee gobolka Hiiraan, Marxuum Faarax Diir Cabdi.

Cabdi Muumin ayaa shaaca ka qaaday in dadka lasoo qabtay oo tuhmanayaal ah ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah, isla-markaana ay dib ka faah faahin doonaan waxa ka soo baxa.

“Mar haddii uu shil meel ka dhaco waxaa loo soo qabtaa cid walbo oo laga shakiyo, balse baaritaanka ayaa lagu kala saaraa, wayna jiraan dad loo soo qab-qabtay dhacdadaasi oo tuhun-sanayaal ah ,” ayuu yiri afhayeenka maamulka.

Marxuum Faarax Diir oo ay xalay kooxo hubeysan ku dileen Beledweyne ayaa maanta aas loogu sameeyey magaaladaasi, waxaana ka qeyb-galay mas’uuliyiin iyo dadweyne kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here