Maamulka gobolka oo awaamiir dul-dhigay shacabka magaalada Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiisha Laamaha Amaanka qeybahooda kala gedisan, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenada Maamulka Gobolka Kaasi oo looga hadlayay u diyaar garowga xuska Maalmaha Xorriyadda ee 26 june iyo 1da Luulyo 2021.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay sugida Amniga Caasimada iyo Bilicda Magaalada, iyadoona laga soo saaray Awaamiir ku socoto Maamulada Degmooyinka si ay shacabkooda u gaarsiiyaan in Maalmaha Xorriyadda si weyn loo weyneeyo.

Awaamiirta soo baxday waxaa ka mid ah;-

In guryaha saaran Laamiyada la rinjiyeeyo lana Naleeyo, In Calamada Astaanta Qaranka la suro isla markaana cidkasta ay Nadiifiso horteeda, gaar ahaan goobaha danta guud, arrintaan oo qeyb ka ah weyneynta Maalmaha Xorriyadda Soomaaliyeed ee 26 june iyo 1da Luulyo 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here