Maamulka Hiiraan oo ka warbixiyey howlgallada ka socda gobolkaasi

0

BELEDWEYNE (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qaybta 27 aad ee howlgallo ka wadaan gobolkaasi.

Howlgallada oo ah kuwa ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka socda inta u dhexeyso degmooyinka Beledweyne iyo Matabaan ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo faah faahin ka bixiyey howlgalladaas ayaa ujeedkooda ku sheegay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo ka dalbaday inay ku gacan siiyaan howlgalladaasi.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan tahay Xarakada Al-Shabaab, waxayna gacanya ku heysaa deegaano ka tirsan gobolkaasi oo ay kasoo abaabusho weeraro culus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here