Macallin Mahdi oo war cusub ka soo saaray weerarkii gobolka Banaadir

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha guud ee qaybta Booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa war uu soo saara wuxuu kaga hadlay weerarki shalay lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha.

Taliyaha ayaa u mahadceliyay ciidamada ammaanka oo si weyn uga qayb qaatay labadaasi dhacdo oo ahaa kuwa is xi xigay.

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray askartii ku dhintay weerarka lagu qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadidr, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Macallin Mahdi ayaa markale ka dalbaday shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo sugo amniga guud ee caasimadda.

Halkan hoose ka aqriso:

Fariin ka timid Taliyaha qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan hay’adaha amiga dalka iyo maamulka Gobolka Banaadir sidii ay uga qeyb qaateen damintii dabkii ka kacay suuqa wayn ee Bakaaraha iyo sida ay usoo afjareen weerarkii kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab ku qaadeen xarunta gobolka Banaadir.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo si wayn uga qeyb qaatay sidii loo soo afjari lahaa kooxdii weerarka kusoo qaaday xarunta gobolka Banaadir, waxaana uga tacsiyaynayaa dhammaan ciidanka, ehelka iyo asxaabta Sargaal xigeenkii ku shahiiday intii uu socday howlgalkaas oo lagu magacaabayay Liibaan Maxamed Maxamuud, waxaana alla caafimaad u waydiinayaa dhammaan saraakiishii iyo askartii ku dhawaacantay intii uu socday howlgalkaas.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Saraakiishii iyo askartii ka tirsnayd Taliska qeybta Guud ee Boliiska G/Banaadir, Ciidanka hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo iyana qeyb ka ahaa howgalkaas iyo dhammaan madaxda maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga ayna soo gudbiyaan garanwaaga ama wixii ay u arkaan in ay lid ku yihiin amniga Gobolka Banaadir.

Taliska qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir wuxuu mar walba u taagan yahay sidii amni buuxa ay u heli lahaayeen shacabka ku nool Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here