Madaale oo shaaciyey in xubno ka tirsan Shabaab iyo hub lagu qabtay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyey caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in howlgalkan lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab, hub iyo qalab caafimaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay la wareegtay guryo u kireysnaa ragga ay soo qabteen ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda.

“Hub, gaadiid, qalab faafimaad iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaan gacanta ku dhignay” ayuu yiri Duqa magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here