Guddoomiye Madaale oo xilka qaadis ku sameeyay saddex guddoomiye degmo

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahnaq duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyey guddoomiyeyaasha degmooyinka Boondheere, Waabari iyo Hodan, isaga oo magacaabay kuwa cusub.

Wareegtadan oo uu warbaahinta uu aqriyay afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Carab ayaa waxaa lagu faray guddoomiyeyaasha cusub inay deg deg xilalka ula wareegaan.

Halkan hoose ka aqrso: –

1-Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Boondheere, ayada oo xilkaas laga qaaday Marwo Seynab Yuusuf Wehliye.

2-Maxamed Sayid Cali ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Waabari, ayada oo xilkaas laga qaaday Sugaal Cali Ayaanle.

3-Cali Axmed Faarax ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Hodan, ayada oo xilkaas laga qaaday Cabdifitaax Xayir Ciise.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here