AADAN YABAAL (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka maamulkaas Mudane Yuusuf Axmed Hagar(Dabageed) ayaa maanta booqday fariisimaha Ciidamada XDS iyo Kuwa dib u xureynta deegaanka ay ku leeyihiin degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa socod kusoo maray xaafadaha kala duwan ee Magaalada isagoo mid mid u booqday fariisimaha ciidamada qalabka iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo uu uga mahadceliyay guulaha muhiimka ah ee ay ka gaareen Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu xusay inaan laga hari doonin xubnaha Al,Shabaabย waxa uuna bulshada ugu baaqay inay u istaagaan la dagaalanka kooxdaasi.