Madaxweybe Farmaajo oo la kulmay wakiilada beesha caalamka

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda yahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo & Wakiillada Beesha Caalamka ayaa hadda waxaa uu shir uga bilowday Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in kulanka lagu soo qaaday muddo kordhinta labada sano ah ee uu sameeyey baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

=

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here