Madaxweynaha Jubbaland oo lagu soo soo dhoweeyey magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaamka, ayaa duhurnimadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdule ay ku soo dhaweeyeen xubno ka tirsan goliyaasha dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu ka qeybgali doonaa shirka wada tashiga ah oo uu iclaamiyay Ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudne Maxamed Xuseen Rooble oo ka furmaya magaalada Muqdisho.

Saaka waxaa Muqdisho soo gaaray madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo uu ka sii horeeyay madaxweynaha Galmudug, waxaana la filayaa in ay yimaadaan labada madaxweyne Hirshabeele iyo Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here