Madaxweynaha Ciraaq oo warqadaha ka guddoomay danjiraha Soomaaliya

0

Madaxweynaha dalka ciraaq Dr. Barham Saalax ayaa maanta qasriga Madaxtooyda ee Magaalada Baqdaad kaga gadoomay warqadahiisa aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doonna Magaalada Baqdaad Mudane Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur)

Ugu horeyn danjire Liibaan aya uga mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Ciraaq sida wanaagsan ee uu uqaabilay, waxuuna u gudibyay salaan iyo bogaadin uu kaga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo isagana u rajeeyay caafimaad iyo hormar guud ahaan shacabka ciraaq iyo Hoggaamiyahooda Dr. Barham.

Danjiraha Soomaaliya Mudane Liibaan Sheekh Maxmuud ayaa dhankiisa cadeeyay sida dalkiisu u doonayo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Baqdaad si loo gaaro danaha guud iyo manfacadda gobolka, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Ciraaq ee howlgalka Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha Dalka ciraaq Barham Saalax ayaa Safiir Liibaan u rajeyay inuu ku guuleysto waajibaadkiisa diblomaasiyadeed ee Baqdaad, isagoo muujiyay in Dowladda ciraaq diyaar u tahay inay bixiso wax kasta oo taageero ah si loogu guuleysto iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Danjire Liibaan Sheekh Maxamuud (Maalinguur) ayaa ah qabiir Muddo kabadan afartan sano ku soo Jiray Arrimaha Diplomaasiyadda asigoona noqonaya danjirahii 3aad ee soo mara Safaaradda Somaaliya ee Dalka ciraaq burburkii kadib, iyadoona munaasabaddii maanta ee warqadaha looga gudoomayay Safiirka uu ku wehlinayay qansulka Safaaradda Soomaaliya ee Dalka ciraaq Cabidfataax Sheekh Axmed .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here