Madaxweynaha dalka Jabuuti oo soo gaaray magaalada Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maanta soo gaaray madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo haatan lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa Geelle ku soo dhaweeyay garoonka magaalada Muqdisho oo lagu qabtay munaasabad kooban.

Labada madaxweyne oo ku shiraya Villa Soomaaliya ayaa ka wadahadli doono arrimo dhowr ah, sida xiriirka labada dal, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo arrimo kale.

Sidoo kale waxa ay si wadajir ah xarigga ka jari doonaan dhismaha xarunta Akadeemiyada Afka Soomaaliga ee AGA.

Dhanka kale waxaa maanta la xiray isku socodka gaadiidka iyo duulimaayada garoonka Aadan Cadde, sababo la xiriira imaashaha wafdiga Jabuuti

Booqashada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku soo aadeysa, ayada oo haatan gudaha magaalada Muqdisho ay ku wada sugan yihiin hoggaamiyeyaasha maaamul goboleedyada oo ka qaybgalaya shirka Golaha Wadatashiga ee ka socdo Villa Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here