Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo gaaray degmada Maxaas + Sawirro

0

MAXAAS (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeraya furimaha dagaalka ayaa maanta lagu soo dhoweeyey degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Halkan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah  dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, waxaana wafdiga Madaxweynaha halkaas kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,Xildhibaanno, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo shacabka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku ammaanay guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyaga oo muujiyay geesinnimo iyo isku-duubni, waxa uuna adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay deegaanada dadkoodu ay go’aansadeen in ay iska xoreeyaan Khawaarijta.

“Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo wax argagixso ah. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha adeegga dowladnimada ah ee ay qabaan dadka nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada, isaga oo balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay dadajin doonto qorshaha ay adeegga dowladnimada ku gaarsiineyso deegaanada laga xoreeyay argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeda deegaanno kale oo ay ka socdaan hawlgallada dalka looga sifeynayo Alshabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah argagixisada uu socon doono inta laga ciribtirayo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here