Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo gaaray magaalada Baydhabo

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynahadowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamad (Laftagareen) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in maalinta bari ah uu furo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo la filayay inuu maanta furmo, balse dib u dhacay.

Shirweynahan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa looga hadlayaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan muranka hareeyay doorashada, kadib markii ay xubnaha mucaaradka ka biyo diideen arrinta muddo kordhinta ee Lafta-gareen.

Waxaa shirkan oo uu gogoshiisu dhigay guddoomiyaha Golaha Shacabka sidoo kale ka qayb-galayo xubnaha mucaaradka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, si ay aragtiooda ugu soo bandhigaan shirweynaha xal raadinta ee Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale waxaa loo adkeeyay ammaanka magaalada oo guud ahaan lagu wareejiyay ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Si kastaba, booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Baydhabo ayaa noqoneyso tii labaad oo uu ku tego gudaha magaaladaasi, isaga oo safarkiisii ugu horreeyay ku bilaabay, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May ee sanadkii hore 2022-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here