Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo ku wajahan dalka Masar + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan dalka Masar, sida ay innoo xaqiiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Xasan Sheekh ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Masar, kadib doorashadii 15-kii May ee mar labaad dib loogu doortay.

Madaxweynaha ayaa wada-hadallo la yeelan doono dhiggiisa dalka Masar, Abdel Fattah al-Sisi, iyaga oo ka wada arrisan doono xoojinta iskaashiga ay leeyihiin Muqdisho iyo Qaahira.

Safarkan ayaa noqon doono kii todobaad ee uu madaxweynaha u baxayo, wuxuuna horey u booqday wadamada Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti iyo Tansaaniya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here