Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo maanta gaaray dalka Qatar

0

DOOXA (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa maanta ka dagay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.

Madaxweye Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Dooxa ku soo dhoweeyay mas’uul sar sare ka tirsan dowladda Qatar oo uu ka helay casuumad rasmi ah.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qayb-galu doono daawashada ciyaarta Finaalka ah ee caawa dhex-mareysa dalalka France iyo Argentina oo isugu soo haray Koobka Ciyaaraha Adduunka oo ay martigelisay dowladda dalka Qatar.

Madaxweynaha ayaa ka mid noqday wufuud kala duwan iyo madax sare oo lagu casuumay ka qayb-galka ciyaartaas oo lagu soo xirayo Koob weynaha Adduunka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray in madaxweynaha uu wadahadal la yeelan doono madaxda dowladda Qatar, isaga oo kala hadli doono taageerada Soomaaliya.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carabta ee haatan xiriirka wanaagsan laleh dowladda federaalka, waxaana ay dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed.

Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweynaha Soomaaliya booqanayo magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, kadib dib u doorashadiisii 15-kii May ee sanadkan 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here