Madaxweynaha Galmudug oo farriin muhiim ah u diray dadka Soomaaliyeed

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa marka hore hambalyo ku aadan dhalashada Nabigeenna Muxammed NNKH u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan Ummadda Islaamka, Shacabka Soomaaliyeed, Gaar ahaan Dadka Galmudug ugu hambalyeynayaa munaasabadda xuska mowliidka nabigeena Muxammed Nabadgalyo iyo naxariisu korkiisa ha ahaatee”.

Sido kale Madaxweynaha Galmudug ayaa fariin u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna naftiisa iyo guud ahaan Ummadda Islaamka kula dardaarmay in ay joogteeyaan xusidda Nabigeena Muxammed NNKH ayna sibuuxda u raacaan sunadiisa.

Ugu dambeyntii Qoor Qoor ayaa ugu duceeyay Ummadda Soomaaliyed in ay sanadkan sanadka xiga Eebbe ku gaarsiiyo nabad, barwaaqo iyo horumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here