Madaxweynaha Galmudug oo kulamo ka wada magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Dawlad Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa magaalada Muqdishu kula la qaatay Danjiraha Dowladda UK iyo Danjire xigeenka Dowladda Mareykanka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Qoor Qoor iyo diblomaasiyaantaan ayaa ka wada hadlay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha baaxadda leh ee saameeyay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna xaaladaha bini’aadanimo ee ka dhashay saameynta abaaruhu u geysteen dadka iyo deegaanka Galmudug.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa baaq u gudbiyay guud ahaan beesha caalamka, kaas oo ku saabsan sidii abaaraha wax looga qaban lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here