Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay guddi cusub + Ujeedka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa magacaabay guddi cusub oo ka kooban 11 xubnood.

Guddigan oo uu hoggaamin doono madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa ka shaqeyn doono daadejinta adeegga dowladaha hoose ee Galmudug.

Halka hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Markuu Arkay: Qodobka 50aad farqaddiisa 5aad, ee Dastuurka Galmudug;

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in lamagacaabo Guddiga Daadejinta

Adeegga Dowladaha Hoose,

Markuu tixgaliyey: Aqoonta iyo khibradda ay leeyihiin Daadeiinta Dowladaha hoose,

Markuu latashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda GM,

Madaxweynuhu wuxuu Magacaabay Guddiga Hoos Ku Xusan, waxaana hogaamin doona Madaxweyne kuxigeenka DGM, Mudane, Cali Dahir Ciid.

Qodobka 1aad.

1.Axmed Xasan Cali Wasiiru Dowlaha W. Arimaha Gudaha (Gud. Kuxigen)

2.Farxaan Cali Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

3.Maxamed Xaashi Dhoore Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada

4.Cabdiwali C/llahi Jaamac Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka

5.Cabdinasir Geelle Cilmi Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta

6.Maxamuud Cabdi Axmed ‘Kaarshe’ Wasiirka Wasaaradda Biyaha Iyo Tamarta

7.Axmed Casir Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska

8.Siciid Siyaad Shirwac Wasiirka Wasaaradda Bayada

10.Yaxye Xasan Xiish Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha

  1. Ubax Xuseen Dhiblaawe Wasiirka Wasaaradda Haweenka yo Xuquuqda Aadanaha

Qodobka 2aad.

  1. Waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, in ay la shaqeeyaan Guddigan si ay u gutaan

waajibaadkooda shago.

Qodobka 3aad.

  1. Xeerkan wuxuu dhagan galayaa marka uu saxiiixo Madaxweynaha waana saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here