Madaxweynaha maamulka Galmudug oo munaasabad uga qayb-galay Cadaado

0

CADAADO (SMN) -Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi kaariye iyo wafdiga uu hogaaminayay oo kusugan degmada Cadaado ayaa kala qeyb galay Xalay shacabka iyo maamulka degmada Cadaado munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay maamulka degmada Cadaado kusoo dhaweenayeen madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, oo maalmo kooban oo shaqo ah ku jooga degmada Cadaado.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay xubno kamid ah labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Gamudug, labada gole ee Dowladda Galmudug, maamulka degmada Cadaado, odayaasha dhaqanka,salaadiinta iyo shacabka degmada Cadaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here