Madaxweynaha HirShabelle oo gaaray degmada Cadale + Sawirro

0

CADALE (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmo Xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Degmada Cadale Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkaan uu ku yimid degmada Cadale uu ka duwan yahay socdaaladiisii hore, isagoo sheegay in safarkiisa uu ku  qotomo dardargalinta howlgalada lagu xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay hormuud u noqdaan shacabka Gobolkaan isagoo xusay in deegaano badan oo dalka ah laga saaray.

Sidoo kale wuxuu saraakiisha iyo bulshada ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howgalada ka bilaabanaya gobolka Shabeelaha Dhexe, si looga saaro dagaalyahanada Al-Shabaab.

default

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here