Madaxweynaha HirShabelle oo kulan la yeeshay danjiraha dowladda Ingiriiska

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire Kate Foster.

Cali Guudlaawe iyo Kate Foster ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada deegaanada Hirshabeelle looga saarayo Al-Shabaab oo qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ay kasoo hoyeen guulo waaweyn.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimada ay leedahay in deegaanada laga xureeyay Al-Shabaab laga fuliyo barnaamijyada xasilinta si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee Dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here