Madaxweynaha HirShabelle oo la kulmay guddoomiyaha hay’adda SODMA + Sawirro

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran Maxamuud Macalin Cabdulle oo uu wehliyo Kaaliyaha Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay inay keeneen deeq gargaar ah oo loogu talagalay in looga faaideeyo 666 qoys oo ay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay u qorsheyn doonto dadka liita ee u baahan caawinta.

Madaxweynaha ayaa hay’adda SoDMA u ballanqaday dhul ay ku shaqeeyaan oo laga hirgalinayo xarunta Gurmadka degdeg dhowaana laga dhagax dhigi doono Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here