Madaxweynaha HirShabelle oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay Magaalada Muqdisho.

Cali Guudlaawe waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airport kusoo dhoweeyay Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Wasiiro Senatorada cusub ee dhowaan lagu doortay Magaalada Jowhar Xildhibaano Golaha Shacabka Xubno isugu jira labada gole ee Dowlada Hirshabeelle Siyaasiyiin Bahda fanka iyo boqolaal dadweyne ah.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa ka mahadceliyay soo dhoweeyntii diiraneyd ee loo sameeyay isagoo u mahadceliyay dhamaan dadkii soo dhoweeya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here