Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo kulan ka yeeshay dhacdadii Boosaaso

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo xalay kulan ku yeeshay Villa Soomaaliya ayaa ka wada-hadlay dhacdadii magaalada Boosaaso ee ka dhalatay is hortaaggii lagu sameeyey xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo gurmad u waday magaaladaasi.

Kulankan oo ay goobjoog aheyd xildhibaan Sacdiya oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisaddaasi, waxaana madaxdu ay sidoo kale baajiyeen shir jaraa’id oo ay qaban laheyd Marwo Sacdiya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxduu ay xiriir toos ah la sameeyeen madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo haatan ku sugan dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabka, waxayna kala hadleen dajinta xiisadda ka jirta gudaha magaalada Boosaaso.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ka dalbadeen inuu deg deg dalka ugu soo laabto, kadibna la’isugu tego magaalada Garoowe.

Xaaladda Boosaaso ayaa weli kacsan, waxaana is horfadhiya ciidamadii ku dagaalamay magaaladaas oo lagu dilay in ka badan 10 ruux, kadib shaqaaqadii ka dhacday halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here