Madaxweynaha JF Somalia oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Afrax

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Akadeemiye Goboleedka AfSoomaaliga Marxuum Maxamed Daahir Afrax oo ku geeriyooday Magaalada London.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii muuqday ee uu Marxuumku ka soo qaatay u adeegidda Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan kobcinta afka iyo qoraalka. Marxuumka oo ahaa qoraa iyo bare sare oo aad loogu yaqaanno Cilmiga Afafka ayaa soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Xildhibaan Qaran iyo Wasiiru Dowlihii Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladdii Kumeel Gaarka ahayd, isaga oo hadda hayey xilalka kala ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Guddoomiyaha Akadeemiyad Goboleedka AfSoomaaliga ee AGA.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Daahir Afrax oo ahaa qoraa kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo Ummadda uga tagay dhiganeyaal dhaxal reeb ah.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here