Madaxweynaha JF oo soo xirayo shirka doorashooyinka ee magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta lagu wadaa inuu soo xiro shirka wada-tashiga doorashooyinka ee ka socday magaalada Muqdisho.

Munaasabaddda xirtaanka shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb-galaya ra’iisul wasaaraha, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Midowga Musharraxiinta, guddoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka iyo sidoo kale ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa lagu dhawaaqi doonaa dhameystirka heshiiska ay wada gaareen dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Shirka doorashooyinka oo Sabtidii ka furmay Mqudisho ayaa waxaa soo qaban qaabiyey, isla-markaana guddoomiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmi ah ula wareegay maamulka doorashooyinka iyo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here