Madaxweynaha JF Soomaaliya oo u ambabaxay dalka Qatar

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo oo labo maalmood qaadanaya ugu ambabaxay dalka Qatar.

Farmaajo iyo Amiirka Qatar Mudane Tamim bin Hamad Al Thani ayaa halkaas ku yeelan doona wada hadallo lagu gorfaynayo xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wax wada qabsiga iyo horumarinta danaha qaran ee labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna dalka ka fulisaa mshaariicyo kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here