Madaxweynaha JFS oo booqday ciidamada lagu tababarayo Eritrea

0

ASMARA (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliy dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidanka Badda ee tababarka u jooga Ereteriya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo xoreynta dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa ku bogaadiyey ciidankan dadaalka, aqoonta iyo kartida ay muujiyeen, inta ay tababarka ku jireen, waxa uuna u sheegay in ay yahiin tilmaamihii lagu yaqaanno Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Madaxwayna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashada kaddib waxaa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriy soo dhaweynta iyo qaabilaadda wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here