Madaxweynaha JFS oo diray hambalyo ku aadan munaasabadda 26-ka June

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war kasoo saaray munaasabadda 26-ka June ayaa hambalyo u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo sidoo kale farriin u diray shacabka ayaa ku booriyey in loo istaago u gurmashada dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee haatan ka jira dalka.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la ilaaliyo midnimada iyo xasilloonida guud ee dalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here