Madaxweynaha JFS oo furay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay kalfadhiga labaad ee labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha, guddoonka labada Aqal iyo qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Goboleedyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka ayaa xildhibaanada warbixin guud ka siiyey xaaladda dalka, gaar ahaan howlgallada ka socdo dalka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa Baarlamaanka la wadaagay warbixin ku saabsan safaradii kala duwanaa ee uu ku bixiyey qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa ka dalbaday Baarlamaanka inuu qaato doorkiisa ku aadan xaaladda dalka iyo sidoo kale meel-marinta shuruucda muhiimka ah ee hortaallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here