Madaxweynaha JFS oo ka hadlay arrimo xasaasi ah kadib khudbad uu jeediyay

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Salaadda Jimcaha kula oogay madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee ku yaallo Xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay ammaanka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab & xiisadda Laascaanood.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa adkeeyay howlgallada dalka lagaga xoreynayo Al-Shabaab, amniga iyo ilaalinta xasilloonida dalka.

Sidoo lale wuxuu farriin u diray ragga weli ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay inay isaga soo baxaan, isla-markaana ay ka faa’iideystaan cafiska dowladda dhexe.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa markale ka hadlay xiisadda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay weli ka socdaan rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq nabadeed u jeediyey dhinacyada haatan isku haya arrimaha ka taagan magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya, isaga oo ka dalbaday in la ilaaliyo nabadda, wax welibana lagu dhameeyo miiska wadahadalka.

Xaaladda Laascaanood ayaa faraha ka baxday, waxaana labadii todobaad ee ugu dambeeyay ka taagnaa isku dhacyo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka oo kacdoon ka sameeyay dilalka qorsheysan ee gudaha magaaladaasi loogu geysto dadka haldoorka u ah bulshada ku dhaqan gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here