Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeedinayo ciidamada laga keenay dalka Eritrea

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta la hadlo qaar ka mid ah ciidamada lagu soo tababaray dalka Eritrea ee dhowaan lagu soo celiyay dalka.

Ciidamada oo gaaraya illaa dhorw boqol oo askari ayaa haatan ku jiro mid kamid ah xeryaha ciidamada ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta badan dardaaran u jeedin doono ciidamadan cusub oo loo diyaarinayo inay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Ammaanka ayaa loo adkeeyay, ayada oo la xiray qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla gudaha caasimadda oo la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Dowladda federaalka ayaa haatan dagaal adag kula jirta Al-Shabaab, kaas oo uu xoogiisu ka socdo gobollada Shabeelooyinka, Hiiraan iyo sidoo kale Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here