Madaxweynaha JFS oo war kasoo saaray geerida ra’iisul wasaarihii hore ee Japan

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shacabka iyo dowladda Japan uga tacsiyaysay geerida Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Shinzo Abe, kaas oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray toogasho maanta loo geystay xilli uu khudbad jeedinayay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ra’iisul wasaarihii hore ee Japan, Shinzo Abe ay kasoo wada shaqeeyeen xiriirka Soomaaliya iyo Japan.

Toogashada Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan, ayaa la sheegay inuu geystay nin horey uga tirsanaa ciidanka badda ee wadanka Japan.

Abe wuxuu ahaa Ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa iyo qofkii ugu caansanaa siyaasadda Japan, 30-kii sano ee u dambeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here