Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo gaaray dalka Jabuuti + Sawirro

0

JABUUTI (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Jabuuti ee caasimadda Jamhuuriyada Jabuuti.

Axmed Madoobe oo wafdigiisa ay kamid yihiin Wasiirada Amniga, Maaliyada, Ganacsiga, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Jubaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jabuuti kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibada jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada Jabuuti.

Madaxweynaha Jubaland ayaa Jabuuti ku tegay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta mudo Sadex maalmood ah kadib Markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here