Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay dhalinyarada Dhoobley + Sawirro

0

DHOOBLEY (SMN) – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta la kulmay ururka dhalinyarada ee Degmada Dhoobley.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dhageystay talooyinka dhalinyarada ay soo jeedinayeen ee la xiriira wax ka qabashada adeegyada bulshada oo ay ugu horeeyaan Caafimadka, Ciyaaraha, Farsamada gacanta iyo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Degmada Dhoobley.

Axmed Madoobe ayaa u sheegay dhalinyarada in Dowladda ay waqti badan ku bixineyso sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada, qayb weyna ay uga noqon lahaayeen xafiisyada maamul ee Dowladda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubaland ayaa kula dardaarmay dhalinyarada in ay dedaal badan ku bixiyaan sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen bulshadooda, sidoo kalena ay qayb weyn ka qaataan horumarka deegaanka ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here