Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay Wasiirka Difaaca Kenya + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay Wasiirka Difaaca Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale oo booqasho iyo kormeer ugu yimid Ciidamada Kenya ee kamidka ah howlgalgalka ATMIS ee ka qeybqaadanaya howlagalada dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubaland.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay diyaar garoowga loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa howlgalka Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada Jubaland iyo tageerada Ciidamada Dowlada Kenya ee ka midka ah howlgalka ATMIS ee qeybta ka ah howlgalada dhawaan bilaabanaya.

Madaxweynaha iyo Wasiirka ayaa si qoto dheer u lafa guray sidii looga wada shaqayn lahaa amniga xuduudaha mudada ay socdaan howlgaladan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here