Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socda DF Soomaaliya + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage.

Labada dhinac ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Axmed Madoobe iyo wafdiga ka socda dowladda ay diiradda saareen sidii ay Jubbaland uga bilaaban lahaayeen dagaallo ka dhan ah Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here