Madaxweynaha Kenya oo gef iyo meel ka dhac u geystay dowladnimada Somalia

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, William Ruto, ayaa markale ka hadlay isbedalada siyaaseed ee ka dhacay Dalka Soomaaliya, isagoo shaki geliyay go’aankii Maxkamadda ICJ islamarkana adeegsaday arayo muuqdo meel ka dhac iyo gef loola bareeray dowladda Soomaaliya iyo jirritaankeeda.

Madaxweyne William Ruto ayaa marka hore waxuu soo dhaweeyay dedaalladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan dagaalka ka dhanka Al Shabaab ee haatan ka socda qeybo ka mid ah Gobollada Dalka.

Waxaa Ruto uu si cad u sheegay in Soomaaliya aysan la heyn dowlad shaqeysa, taas oo gef ku ah Shacabka iyo dowladdnimada Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale Ciidanka Xooga Dalka ku tilmaamay kuwa aan shaqeyn, iyadoo hadalkan Madaxweyne Ruto uu dharbaaxo kulul ku yahay howlgallada ka socda qeybo ka mid ah dalka iyo guulaha muuqda ay Ciidanka Xooga ka soo hooyeen Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in haatan loo baahan yahay in dhinac la iska dhigo kiiskii dawacada badda oo sanadkii la soo dhaafay ay go’aan ka soo saartay Maxkamadda ICJ, maadaama uu shaaciyay in kiiskaasi ay markale meel nabdoon uga wada hadli doonaan Madaxda Kenya iyo kuwa Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay waxyaabaha muhiimka u ah Kenya ayaa waxuu tilmaamay xaqiijinta xasilooni ku soo dabaalida Soomaaliya, xaqiijinta Soomaaliya oo yeelata Dowlad shaqeysa iyo sidoo kale ciidan shaqeeya, si Ciidanka Kenya looga soo saaro dalka Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa inta badan ahaa kuwa isku dhaca, waxaana xiriirka labada dal uu gaaray heerkii ugu xumaa sanadka 2020-kii, iyadoo xudunta khilaafkoodu uu ahaa farogelin joogta ah iyo murun ay Kenya gelisay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya oo la aaminsan yahay in uu shadaal ku jiro.

Labada dal oo isku hayay dhul badeed dhan 100,000 oo isku wareeg KM ah ayaa inta badan Maxkamadda ICJ waxey u xukmisay Soomaaliya, inkastoo Dowladda Kenya ay diiday in ay u hogaansanto go’aankii Maxkamadda ICJ.

Shacabka Soomaaliyeed, intooda badan ayaa lumiyay kalsoonidii ay hayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ee ku sugan dalka ayaaa loo arkaa kuwa aan ka shaqeyn danta iyo horumarka Dowladda Soomaaliyeed, iyadoo xusid mudan tiro dhowr jeer ay Soomaaliya soo saartay qoraallo ashtako ah Ciidanka Kenya, waxaana qoraallada ka dhanka ah Kenya la gaarsiiyay xafiisyada Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Tan iyo 2011-kii markii Gobolka Gedo iyo Shacabka ku nool ayaa dhibane noqday Ciidanka Kenya, waxaana Gobolka Gedo ka dhacay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha maadaama diyaaradaha Dagaalka ee dalka Kenya ay Shacab iyo xoolo dhaqato ku laaayeen.

Si-kastaba, Weeraradii Ciidanka Kenya ay ka geysteen Gobolka Gedo ayaa dadkii ku dhintay islamarkaana ku dhaawacmay waxaa ka mid ahaa curruur iyo haween, oo qaarkood dhaawacooda la keenay Magaalada caasimada ah ee Muqdisho, iyadoo taasi ay dhalisay qeylo xoogan oo ka soo yeertay Dowladda Soomaaliya, Ururada Bulshada Rayidka, Hay’addaha u ololeeya xuququl Insaanka iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here