Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa maanta soo saaray wareegto cusub, isaga oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis.

Madaxweynaha ayaa xilka Warfaafinta u magacaabay Cabdifitaax Cali Yuusuf, kadib markii uu xilkaas iska casilay Ilyaas Cali Nuur oo ka mid ahaa saaxibad u dhow Lafta-Gareen.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha mamulkaasi.

Xilka Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha ayaa waxaa loo magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Aadan, halka Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha loo magaacabay Cumar C/raxmaan Maxamed, sida lagu sheegtay digreetada ka soo baxday Lafta-Gareen.

Isbeddalka uu sameeyay Madaxweynaha K/Galbeed ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan xaalad cakiran oo ka dhalatay doorashada maamulkaas ay ka taagan tahay Baydhaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here