Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo kulamo ka bilaabay magaalada Dhoobley

0

DHOOBLEY (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo shalay gaaray magaalada Dhoobley ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan magaaladaasi.

Kulankii ugu horreeyey ayuu la qaatay odayaasha dhaqanka Dhoobley, kaas oo looga hadlay caqabadaha ka jira degmada iyo in maamulka ay la shaqeeyaan.

Axmed Madoobe oo deegaan ahaan kasoo jeeda Dhoobley ayaa odayaasha u ballan-qaaday in maamulka si xoogan loo soo gaarsiin doono magaaladaasi.

Dhankooda odayaasha dhaqanka ayaa Madaxwaynaha Jubbaland uga Mahadceliyey aqoonsashada Dhoobley iyo in adeegyada maamul ee lasoo gaarsiinayo.

Madaxweynaha Jubaland ayaa inta uu ku sugan yahay Dhoobley sii wadi doono kulamada uu la yeelanayo qaybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

ย Shirka Golaha Wasiiradaย  Jubbaland ayaa 23-kii June lagu qaabtay Dhoobley, kaas oo ay ku ansixiyeen in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay kamid noqdaan degmooyinka maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here