Gedo, Soomaaliya – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xukuumadda federaalka ah faray inay si degdeg ah gargaar caafimaad iyo mid bani’aadannimo u gaarsiiso dadka ay saameeyeen colaadda iyo xaaladda adag ee ka jirta gobolka Gedo.
Madaxweynaha wuxuu hoosta ka xariiqay in shacabka Gedo aysan keligood ahayn, islamarkaana dowladda ay garab taagan tahay si ay uga soo kabtaan dhibka dhacay.
Waxaa la filayaa in hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh arrimaha gargaarka ay bilaabaan gaarsiinta taageerada loo baahan yahay maalmaha soo socda, iyadoo diiradda la saarayo caafimaadka, hoyga, iyo sahayda aasaasiga ah ee nolosha.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku naf waayay dagaalkii dhowaan ka dhacay gobolka Gedo, isagoo shacabka reer Gedo la wadaagay murugada iyo xanuunka ay dareemayaan.
Madaxweynaha ayaa ciidamada Soomaaliyeed ee ka tallaabay xuduudda dalka Kenya faray inay si degdeg ah dib ugu soo laabtaan deegannadoodii, isagoo si cad u xaqiijiyay in aan wax ciqaab ah la marsiin doonin, laguna ilaalinayo badqabkooda iyo nabadgelyadooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay u taagan tahay in la ilaaliyo xuquuqda iyo amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.




