Madaxweyne Saciid Deni iyo ku xigeenkiisa oo heshiis hordhac ah gaaray

0

GAROOWE (SMN) – Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Puntland taagnaa khilaaf xoogan oo u dhaxeeyey madaxweynaha maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaas oo saameyn ku yeeshay hay’adaha kala duwan ee Puntland.

Wararka la helayo haatan ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ay is-afgarad hordhac ah ka gaareen khilaafkii dhexdooda ahaa kadib markii ay dhex-dhexaadiyeen Isimada Puntland iyo qaar ka mid ah xildhibaannada.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada dhinac ayey kaga heshiiyeen khilaafka oo intiisa badan salka ku hayey xilka qaadistii uu Karaash ku sameeyey Wasiirada, Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda xiligii uu Deni ku jiray ololihii doorashada madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale wararka ay Shabelle heleyso ayaa sheegaya in labada dhinac ay ku ballameen kulamo kale, si mad-madowga meesha looga saaro , isla markaana la dhammeystiro xal ka gaarista khilaafkooda.

Khilaafka madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa ah mid waayadaan dambe soo laab laabanayey, kaas oo salka ku haya dhanka awoodda maamulka, waxaana sidoo kale fashilmay mooshin ay xildhibaannada qaar ka wadeen xukuumadda madaxweyne Saciid Deni, si ay uga faa’iideystaan khilaafka kala dhaxeeya ku xigeenkiisa Axmed Karaash.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here