Madaxweyne Deni oo guddoomiyey shir looga hadlayey abaaraha + Sawirro

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland SAciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir looga hadlay xaaladda Abaaraha oo ay ka qeybgaleen madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Puntland.

Shirka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddiga Abaaraha ee heer Wasiir iyo Hay’adaha Dowliga ah ee Puntland.

Kulankan ayaa ujeedkiisu yahay sidii dhakhso looga jawaabi lahaa xaaladda ka dhalatay abaarta, waxaa lagu soo bandhigay Warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha iyo saameynta ay geysteen iyo qorsheyaasha arrintaasi lagu wajahayo oo ay ugu horeyso sidii dhakhso loogu gurman lahaa dadka abaartu saameysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here