Madaxweyne Deni oo ka hadlay dagaalka Boosaaso, kadibna ku baaqay Nabad

0

GAROOWE (SMN) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xal nabadeed in lagu dhammeeyo colaaddii maalmahan ka taagnayd magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Khudbad uu jeediyey caawa ayaa Siciid Deni waxa uu sheegay inuu doonayo in xal aan ahayn mid milatari lagu xalliyo xiisadda ka taagnayd magaalada Boosaaso.

Waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay xalka ay soo jeediyaan isimada iyo odayaasha dhaqanka ee Puntland oo uu ugu baaqay inay gacan ka gaystaan xallinta dhibaatada dhacday.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu amar ku bixinayo in dib loo furo dhammaan adeegyada dawladda ee magaalada Boosaaso, iyo dekedda iyo in xaaladda sideedii hore lagu soo celiyo.

Waxa uu ugu baaqay dadkii ka qaxay guryahooda inay dib ugu soon laabtaan.

Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay Puntland cashar ka baranayso wixii dhacay, isla markaana aan dib loo milicsanayn.

Waxa uu sheegay inuu ka xun yahay in laga soo horjeesto dawladnimada iyo isbeddellada ay dawladdu samayso.

Dagaallada ka dhacay Boosaaso ayey ku dhinteen 20 qof waxaana ku dhaawacmay ku dhowaad 80 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here