Madaxweynaha Puntland oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ku wajahan magaalada Muqdisho.

Siciid Deni, wuxu Muqdisho kaga qayb-gelaya shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashada Soomaaliya, kaas oo dhexmaraya madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo lale shirka waxa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa sida qorshaysan Sabtida berri ah ka furmi doona magaalada Muqdisho e caasimadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here