Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka wada magaalada Nairobi + Sawirro

0

NAIROBI (SMN) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Nairobi ku qaabilay wafdi ka socda Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo ka kooban u qeybsanaha Qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca Siyaasadda.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda, waxaa la boggaadiyey horumarka Puntland ka sameysay kaabayaasha dhaqaalaha sida Dhismaha Dekadda Garacad iyo qorshaha Horumarinta dhaqaalaha Puntland.

Waxaa kulanka Madaxweynaha kala qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here