Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeeshay Marwo Kiki Gbeho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hadda ah Ku-simaha xilka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Marwo Kiki Gbeho.

Waxaa Kulanka looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Puntland sida Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland oo meel wanaagsan maraya iyadoo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha loo madlanyahay 05 January 2023.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here